Madaxweynaha maamulka Somaliland muuse Biixi Cabdi ayaa maamnta ka qayb galay munaasabad lagu xusaayay 26 sano guuradii kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka Somaliland ayaa ka adlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan howlaha ay ciidanku u hayaan shacbiga Somaliland, bogaadin iyo dhiirra galin kadib madaxweyne muuse biixi ayaa aad u dhaliilay siyaasadda dowladda dhexe soomaliya.
Muuse Biixi ayaa madaxda iyo siyaasiyiint soomaliyeed waxaa uu ku eedeeyay in ay ka shaqaynayaan iska horkeenidda umadda somaliyeed, wxaa u sheegay in madaxda ugu sarreeysa dowadda dhexe ee soomaaliya ay wadaan iska horkeenida shacbiga waxaana uu tusaale ahaan usoo qaatay khilaafaadka ka dhexeeya mamul goboleed yada iyo dowladda dhexe.
Waxaa uu sheegay in shacbiga soomaaliyeed meel kasta oo y joogaan ay yihiin shacab walaalo ah, balse waxaa jira ayuu jiri muuse biixi siyaasiyiin calooshood u shaqaysta yaal ah oo fowdo ka dhex wado umadda soomaliyeed.
Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale waxaana ay raadinayan aqoonsi ay ka raadinayaan caalamka, balse ma jirto cid aqoonsan sheegashadooda ay sheeganayaan in ay yihiin dowlad madax banaan, caalamkuna waxaa uu u aqoonsan yahay in ay tahay maamul ka mid ah soomaaliya, waxaana dowladdu ay magacaawday guddi ka shaqayn doona wada hadallo u dhexeeya Somaliland iyo dowladda dhexe ee soomaaliya.

