Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, oo ku aadanaa arrimaha waxbarashadda Puntland.
Wasiir Goodax barre ayaa mar kale sheegay in Ardayda Puntland ee ka baxday Dugsiyada Sare, aysan heli doonin Shahaadada Heer Federaalka.
Waxa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada dowladda Federaalka, aysan shahaado siin karin arday aan gelin Imtixaanka ay qaaddo Wasaaaraddaasi, islamarkaana aysan aqoonsan doonin Shahaadada uu wato ardayga ka yimaada Puntland.
Dhanka kale wasiir Goodax Barre ayaa ku amray jaamacadaha dalka in aysan aqbalin arday aan gelin Imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada ee heer Federaal, isagoo ku hanjabay in Jaamacaddii amarkaasi jebisa laga qaadi doono tallaabo adag, oo ah in lagala noqdo Aqoonsiga.

