Wasiir Isku Casilay Baxsashadii Wasiirkii Amniaga Jubbaland C/rashiid Janan

0

Wasiirkii Qorsheynta Jubbaland ayaa shaaciyay in uu xilkaasi iska casilay, ka dib markii uu Maamulka Jubbaland ku eedeeyay inuu taageerayo nin ka baxsanaya cadaaladda, uu kala jeedo wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan oo Dowladda ka baxsaday.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay inaanu diyaar u ahayn inuu la sii shaqeeyo Maamulka uu Madaxweynaha ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

“Diyaar uma ihi in aan ka sii mid ahaado maamul u dabaaldegaya nin baxsad ka ah cadaaladda oo dembiyo ka galay dadka.” Ayuu yiri Wasiirkii Qorsheynta Jubbaland.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku yiri “Laga bilaabo maanta, waxaan iska casilay xilkii Wasiirnimada ee Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland.”

“Damiirkeygu ma oggola in an qayb ka sii ahaado maamul u dabaal-dega oo hoy siiya nin caddaaladda ka baxsanaya, oo ku eedeysan ku xad-gudub xuquuqda aadamiga.” Ayuu yiri Aw Xersi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here