Maxay Ahaayeen Qaraxayadii Saakay Ka Dhacay Muqdisho?

0

Ilaa afar qarax ayaa saakay laga maqlay Magaaladda muqdisho ed Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxyadda oo ahaa minooyin ayaa lagu xiray dhowr Tabeeelle oo ku yaala Wadada Maka Almukaramah kuwaasi oo dhawaan lagu xiray Kaamerooyinka wax keydiya.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in baalayaasha ay hoos ka burbureen,islamarkaaana khasaare dadka uusan soo gaarin,madaama qaraxayadda ay dhaceyn xiligii salaadda Subax.

Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli wax war ah ka soo saarin qaraxyadaasi, xilliga oo goor hore uun ah, mana cadda cidda ka masuulka ah burburinta lagu bilaabay qalabka wax duuba, ee billo ka hor laga hirgeliyay hareeraha wadadaan, oo muhiim u ah isu socodka muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here