Dil Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa dil u geeystay  darawal ka mid ahaa darawaliinta kexeeya gawaarida dadweynaha ee Bl-ka, waxaana dilku uu ka dhacay degmada hodon ee Gobalkan Banaadir.

Sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah ayaa waxaa marxuumka la dilay uu askarigu ku amray in uu gaariga joojiyo, balse is uusan joojin darawalku waxaana ay taasoo keentay in uu rasaas ku furo gaariga waxaana halkaasi ku geeriyooday wadihii gaadhiga.

Waxaa goobta isaga baxsaday askarihii dilka geystay, waxaana goobtii falku ka dhacay soo gaaray ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa Police-ka iyo qaar ka mid ah eheladii marxuumka la dilay. Waxaana loo gudbiyay maydka darawalka CID-da  oo ah Xarunta danbi barista.

Inta badan waxaa dhaca falalka dilka ah ee lagula  kaco darawaliinta ka shaqeeya magaalada muqdisho, iyadoo tira dhawrjeer ah dil bareer ah loo gaysta wadayaasha  isugu jira mooto bajaajle yaal iyo darawaliinta kale ee kaxeeya gawaarida dadweyaha gaar ahaan BL-ka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here