Generaal khaliifa xaftar hogaamiyaha maleeshiyaadka kadagaallama dalka liibiya ayaa booqasho lama filaan ah kutagay magaalada Atenis ee caasimadda dalka gariigga.
Dowladda gariiga ayaa gaartay guul diblomaasiyadeed kadib markii ay suurtagalisay in uu booqasho kutago generaal khaliifa xaftar oo saameeyn badan kuleh siyaasadda dalka liibiya waxaana dowlada gariigga ay dalbatay in lagu daro kaqeybgalka shirka looga hadlayo xaaladda dalka liibiya iyadoo dowladda gariigga ay sheegtay in door muhiim ah ay ku leedahay danaha danlleeyda siyaasadeed ay kaleeyihiin dalka liibiya.
Nikoos Dendiyaas wasiirka arrimaha dibadda dalka gariigga ayaa shaaca kaqaaday in generaal khaliifa xaftar uu sheegay in loo baahanyahay in hishiiska xabad joojinta lagu daro hishiiska sharci darrada ah ee ay wadagaleen dowladdaTurkiga iyo dowladda qaramada midoobay ay aqoonsatay ee liibiya.
Sidoo kale dowladda gariigga waxa ay intaasi kudartay in generaal khaliifa xaftar ay kalahadli doonaan hishiis dhinaca badda ah oo ay wadagalaan labada dhinac.

