Al-shabaab oo Qabsaday Saldhig ay Ku Sugnaayeen Ciidamadda Dowladda

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Xaaji Cali oo Hoosyimaada Degmada Caddalle ee Gobalka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay Dagaal Dhaliyey Qasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo soo kala Gaartay Dhinacyadii halkaasi ku Dagaalamay.

Dagaalkaan ayaa Bilowday ka dib Markii weerar Culus ay la Al-shabaab ku soo qaadeen Saldhig Ciidanka Dowladda Soomaaliya uu kulahaa Deegaanka Xaaji Cali ee Gobalka shabeelaha dhexe kuwaasi gudaha Galay Saldhiga sida ay inoo Xaqiijiyeen ilo ku sugan Deegaankaaasi.

Wararka aan ka helayno Gobalka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in Dagaalka ka dhacay Deegaanka Xaaji Cali in uu ku Dhinta Sarkaalkii ugu Sareeyey Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Saldhiga kulahaa Deegaankaasi Xaaji Cali kaasi oo goor danbe u geeryooday Dhaawac ka soo gaaray Dagaalka dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey in Dagaalkaaani uu dhaaliyey qasaaro dhimasho iyo Dhaawac leh, wax ayna Xuseen in Iska caabiyeen Rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaasi oo qorshahoodu ahaa inay gudaha ugalaan Saldhiga Ciidanka si ay u qabsadaan gaadiidka iyo Saanaada Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegatay in la Wareegeen Saldhiga Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Deegaanka Xaaji Cali oo hoosyimaada Degmada Caddale ee Gobalka shabeelaha dhexe wax ayna Tilmaameen in maanta Barqanimadii ay soo gaba-gabeeyeen Weerarka ay ku qaadeen Deegaankaasi.

Wararkaan ka soo Baxay Al-shabaab ayey ku sheegteen in Dagaalku inta uu socday ka gacanta ku dhigeen Gaadiid Dagaal oo ay la haayeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed eek u sugnaa Saldhiga deegaanka Xaaji Cali ee Sh/dhexe.

Deegaankan uu weerarku ka dhacay ayaa kaabiga ku haya degmada Cadale oo ay ku sugan yihiin cutubyo katirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ee Taageera Ciidamada Xooga Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here