Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in ciidamadda Dowladdda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa mareykanka uu tababaray ay Degmada Walanweyn dileen nin nabadoon ahaa oo si weyn looga yaaqanay Degmadaasi.
Falkaan ayaa ka dhacay Xaafada Xudurweyne ee Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana Wararku ay intaas ku sii darayaan in Ciidanka Danab ay Gurigiisa kala Baxeen Nabadoonka islamarkaasna ay ku dileen ayagoona intaas ka dib Meydkiisa Horey usii qaatay.
Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Walaweyn Yuusuf Cali Buulle oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Ciidanka Dowladda ay Gudaha Degmada ka geysteen Fal Argagax ku abuurey Dadka Deegaanka waxaana Xusay in Ciidanka Mareykanku uu Tababarey ee Danab ay ka Danbeeyeen Dilka loo geystay Nabadoonk Axmed Hussen oo ka mid ahaa Odayaasha Degmada Walaweyn.
Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Walaweyn oo sii hadlayey ayaaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay wax ka qabato falalka Arxan darada ah ee Ciidanka Danab ay ka wadaan Degmada walaweyn.
Ciidamadda Dowladda ayaa Dhowr jeer waxaa ay Degmada walaweyn ku dileen Dad Shacab ah oo ay ka mid ahaayeen Odayaal kuwaasi oo meydkood ay u qaateen Saldhiga Bali doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo ah Saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin Soomaaliya.

