Xildhibaanada Cusub ee Galmudug oo Maanta Kulan Koodii Koowaad Yeelan Doona.

0

Xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug ayaa maanta kulan koodii ugu horreeyay waxaa ay ku yeelan doonaan magaalada dhusamareeb.

Xildhibaanada oo shalay la dhaariyay ayaa maanta kulankoodii koowaad yeelan doona, iyadoo lagu wado in ay iska dhex doortaan guddi  ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka maamul u dhisidda Galmudug, Waxaa sidoo kale ay ka arrinsan doonaan wax yaabo badan oo la xariira maamulka loo dhisayo Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa wajahaya khilaafaad horleh, waxaana muuqata in tafaraaruq iyo is qab-qabsi horleh uu billaawday kadib markii madaxweyne Xaaf uu ku dhawaaqay in uusan ku qanacsanayn  sida guddiga doorshooyin u maamuleen Xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo dhammaan  waxyaabaha ka socdo dhuusamareeb, waxaana loo arkaa in Xaaf uu caqabad ku yahay shaqada Dowladda dhexe ay ka waddo  dhuusamareeb iyo guud ahaanba Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa sidoo kale ka arinsanaya Shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan Qabashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug , waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga Doorashada Gudoonka Barlamaanka Galmudug.

Waxaana sidoo kale ay soo dooran doonaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, ka dib marka ay dhexdooda ka doortaan Guddoomiye Baarlamaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here