Axmed Madoobe oo Shaaciyay in Hal Sabab oo Shabaab Looga Adkaan Karo+Dhageyso

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab laga adkaan karo.

Madaxweynaha DowlaDd Goboleedka Jubbaland  ayaa booqday deegaanka Cabdalla Biroole ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ee halkaas saldhiga ku leh oo maalmahii lasoo dhaafay fuliyay howlgalo lagu naafeeyay Al-Shabaab.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Al-shabaab lagaga adkaan karo in loo midoobo waxaa uu ugu baaqay dhamaan dhinacyada ay qusayso in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab si dhibaatada looga dulqaado shacabka wuxuu sheegay Madaxweynahu in dhibaatada dhinaca Amniga ah ee ka taagan qaybo badan oo dalka kamid ah loo baahan yahay in dhab loo wajaho.

Waxaa Madaxweynaha booqashadan ku wehelinayay Sarakiisha Ciidamada iyo Wasiirka Wasaarada Cadaalada Garsoorka iyo Arimaha diinta Mudane Maxamed Yusuf Cumar.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here