Wararka ka imaanaya Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyo Dadka Deegaanka ah ay Weerar Dhabo Gal ah ku qaaday Sarkaal ka tirsan Al-shabaab islamarkaana Marayey Duleedka Deegaanka Halgan ee Gobalka hiiraan,Weerarkaasi ayaa sababay Dhimasho iyo Dhaawac.
Sarkaalkaan la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Ganey kaasi oo la sheegay in uu Al-shabaab u qaabilsanaa tuulada Gandilay oo hoostimaada Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan sida Idaacada Simba ay u sheegeen Ilo Deegaanka ah.
Maxamed Cali Istakiin oo ah Horjoogaha Maleeshiyaadka Dadka Deegaan ah ee Macawisleyda loo yaqaan ee Gobalka Hiiraan oo la hadlay Simba ayaa sheegay inay Dileen Sarkaalkaan oo sheegay in uu dhibaatooyin kala duwan ku hayey Dadka Tuulooyinka Hoosyimaada Deegaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan kaasi oo uu Xusay in Asaga iyo 3- ka mid ah ilaaladiisa lagu dilay Weerar dhabo gal ahaa oo ka dhacay Duleedka Deegaanka Halgan.
Maleeshiyaadka Macawisleyda oo ay Taageeraan Ciidamada Xooga iyo kuwa Itoobiya ayaa Dhowr jeer Dagaalo khasaaro geysatay Al-shabaab kula Galay Deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.

