Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa looga digey in ay faraha la gasho Khilaafka Dowladaha Iiraan iyo Mareykanka, oo haatan maraya meel xasaasi ah kadib dilkii Jeneraal Qaasim Suleymaani.
Prof C/raxmaan Daqare oo kamid ah aqoonyahadda Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba, ayaa Dowladda haatan jira kaga digay in faraha la gasho khilaafka Dowladaha Iiraan iyo Mareykanka.
Waxa uu sheegay labadda dowladood ay yihiin kuwa awood badan,balse Soomaliya looga baahan yahay in ay indhaha ka fiirsato waxa socda, oo aysan la safanin dal gaar ah.
Dhanka kale waxa uu sheegay in Iiraan uusan haatan xiriir kala dhaxeynin Soomaaliya,madaama Dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Xiriirka u jartay.
