Mareykanka oo Qirtay in Askar Loogu Dilay Weerarkii Saldhiga Manda Bay

0

Taliska Mareykanka Africom ayaa war kasoo saaray weerar lagu qaaday saldhig ay si wadajir ah u isticmaalaan ciidamada millatariga dalalka Kenya iyo mareykanka.

Taliska mareykanka Africom ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 3 xubnood oo ay sheegeen in mid kamid ah uu katirsanaa ciidamadda millatariga mareykanka halka 2 xubnood oo kale ay ahaayeen shaqaalaha mareykanka ee kusugnaa saldhiga laweeraray sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay millatariga mareykanka.

Taliska mareykanka Africom ayaa xaqiijiyay dhimashada saddexda xubnood sidoo kale Taliska Africom waxa ay shaaca kaqaadeen in weerarkaasi ay kudhaawacmeen 2 xubnood oo kamid ahaa shaqaalaha kashaqeeya waaxda difaaca mareykanka kuwaasi oo lagu dhaawacay weerarka lagu qaaday saldhiga ciidamada millatariga mareykanka ee lagu magacaabo maanda saldhigaasi oo kuyaalla magaalada laamuu oo kaabiga kuheysa xadka wadamada Kenya iyo Somalia.

Qoraal uu soo saaray Generaal Stephen Townsend oo kamid ah saraakiisha taliska mareykanka Africom waxa uu kuyiri

“Waxaan xanuunka la dareemeynaa qoysaskii iyo saaxibaddii aynu isku tiimka ahey kuwaasi oo naftooda kuwaayay weerarkii lagu soo qaaday saldhiga maanda”.ayuu yiri.

Saldhigan lagu magacaabo maanda oo ay isticmaalaan millatariga mareykanka waxa uu door muhiim kuleeyahay taageerada taliska mareykanka Africom ay siiyaan dowlada federaalka Somalia iyo dagaalka kadhanka ah Alshabaab waxaana saldhigaasi lagu tababaraa ciidamada millatariga dowlada Kenya oo iyana ladaalaadhacaya weerarada uga imaanaya dagaalyahannada Alshabaab oo dagaal kala soo horjeeda ciidamada Kenya iyo kuwa Amisom ee kusugan Somalia.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here