Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen 17-askari oo Mareykan ahaa

0

Al-shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkii ay ku qaadeen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamadda mareykanka iyo kenya ee Xaduudka Soomaaliya iyo kenya.

Bayaan kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay khasaara hantiyadeed iyo midka dhimasho ee ka dhashay weerarka oo qaatay wax ka badan 10 saacadood  xiriir ah.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka ay ku dishay 17 askari American ah iyo 9 katirsan melleteriga Kenya ee (KDF) loo yaqaan, tirada diyaaradaha lagu burburiyay weerarka ayay Al Shabaab ku sheegtay 7 diyaaradood iyo in kabadan 5 gaari oo kuwa melleteriga ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here