Maxamed Nuux oo kamid ah siyaasiyiinta somaliyeed oo la hadlay idaacada Simba ee muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in dowlada federaalka Somalia tallaabo sharciga waafaqsan ay kaqaado madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed maxamed islaam (Axmed madoobe) oo uu sheegay in uu caqbad kuyahay horumarka deegaanada maamulka jubaland.
Siyaasi maxamed Nuux ayaa ugu baaqay dowlada federaalka Somalia in ay gacanta kusoo dhigto hogaamiyaha maamulka jubaland Axmed madoobe si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo ka qabsoonta deegaanada maamulka jubaland.
Dhinaca kale siyaasi maxamed Nuux ayaa shaaca ka qaaday in dowladaha shisheeye ay faragalin kuhayaan arrimaha maamulka jubaland waxa uuna intaasi kudaray in dowladaha Kenya iyo Ethiopia ay saameen ku leeyihiin deegaanada maamulka jubaland isagoona ku eedeeyay hogaanka jubaland in ay dhulka iyo badda somaliyeed ay ugacan galinayaan dowlada Kenya.
Hadalkan kasoo baxay maxamed Nuux oo kamid ah siyaasiyiinta somaliyeed ayaa kusoo aadaya iyadoo horay dowlada federaalka Somalia ay u qaadacday doorashadii ka dhacday magaalada kismaayo ee xarunta kumeel gaarka maamulka jubaland bishii August ee sanadii aynu soo dhaafnay waxaana dowlada federaalka Somalia ay shaacisay in markale laqaban doono doorasho xor iyo xalaal ah oo ka qabsoonta deegaanada maamulka juballand.

