Dowladda Soomaaliya oo Ahlusuna Ka Aqbashay 20-ka Xildhibaan+Dhageyso

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Maamulka Ahlusuna Waljameeca ka aqbashay Liiska 20-xildhibaan ay dhawaan soo magacabeen.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Guddoomiyaha Guddiga Farsamadda maamulk u sameynta galmudug C/naasir Geelle Cilmi oo maanta si wadajir ah warbaahinta kula hadlay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa ka hadlay arinta 20-Xildhibaan.

Ugu horeyntii Guddoomiyaha Guddiga Farsamadda maamulk u sameynta galmudug C/naasir Geelle Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aqbaleyn 20-xildhibaan ee Ahlusuna Waljameeca dhankooda ka yimaaday.

Waxa uu sheegay in soo buuxiyeen Sharuudihii looga baahnaa in ay xildhibaan ku noqdaan,islamarkaana wixii haatan ka dambeeya ay sugi doonaan Xildhibaanadda ay soo dooran doonaan ergooyin xareysan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ka mahadceliyay sida Guddiga ugu aqbalay xildhibaanadda ay soo magacabeen,wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta guddigaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here