Mas’uuliyiin iyo Ciidamo Ka Tirsan Somaliland oo Gaaray Degmada Laasqorey

0

Mas’uuliyiinka ka tirsan Maamulka Soomaaliland iyo Ciidamo ay hogaaminayaan ayaa gaarey Deegaano hoostaga Degmada Laasqorey ee Gobalka Sanaag oo uu ka Taliyo Maamulka Puntland.

Ciidamada Soomaaliland iyo Gudoomiyaha Degmadaasi ugu Magacaaban Soomaalialand ayaa Gaaray Deegaanka Durduri oo ku yaala  Wadada Xiriirsa Magaalada Boosaaso iyo Degmada Laasqorey.

Gudoomiye ku Xigeenka Degmada Laasqorey Cabdulaahi Axmed Maxamuud ayaa Idaacadda Simba u Xaqiijiyey in Mas’uuliyiinta iyo Ciidamada ka Socda Soomaaliland ay ku Sugan yihiin Deegaano u dhexeeya Magaalooyinka Laasqoray iyo Boosaaso

Gudoomiyaha ayaa maamulka Puntland ku eedeeyey inay ka Gaabiyeen Sidii la iskugu Furi lahaa Magaalooyinka Laasqoray iyo Boosaaso ee Gobalada Sanaag iyo Bari,Maadaamada sida uusheegay Godoonsan tahay Degmada Laasqorey,asagoo Xusay Maamulka Soomaaliland uu  Gurmada Xoogan u Sameeyey Dadka Degmada Laasqorey iyo Deegaanada Hoosyimaada Tilaabadaas  oo Mas’uuliyiinta Soomaaliland  u fududeysay in ay gaaraan Deegaanka Durduri oo Degmada Laaqorey  qiyaastii 50km Dhanka  Magaalada Boosaaso uga Beegaan.

Degmada Laasqoray ayaa ah Magaalo Xeebaad Dhacda Waqooyiga Gobalka Sanaag waxaa ayna ka mid tahay Meelaha ay ku Muran san yihiin Maamulada Puntland iyo Soomaaliland

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here