Maamulka Degmadda Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in la burburiyay Goobo Al-shabaab ay Canshuur uga qaadi jireen Shacabka iskaga goosha Gobaladda Shabeelaha Hoose iyo Jubooyinka.
Taliyaha Ciidamadda Booliiska Degmadda Baraawe Cali Maxamed Ibraahim oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay arintaas ku guuleysteen.
Waxa uu sheegay in meel 5-km u jirta Degmada Baraawe oo Shabaab dadka lacago ugu qaadi jireen ay weerar ku qaadeen,islamarkaana ay halkaas khasaare ugu geysteen dagaalyahanadii Shabaab ugu sugnaa.
Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya ay tageyn deegaan baraawe u jira 30-KM,islamarkaana ay laayeen xubno ka Tirsanaa Al-shabaab oo halkaas ku haystay xoolo dad laga soo dhacay.

