Cabdi Qaasin Salaad Xasan Madaxweynihii hore dalkeenna Soomaaliya ayaa ku baaqay in lala dagaalamo Al-shabaab, si wada jirana looga soo horjeesta.
Cabdi Qaasim ayaa si gaar ah kaga hadlay qaraxii dhawaan ka dhacay Ex-control Afgooye waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay wixii lagula kacay shacabkii masaakiinta ahaa ee Al-shabaab ay ku xasuuqeen Ex-control Afgooye, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan oo soomaaliyeed oo u isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada waxaa sidoo kale weerarkaas ku geeriyooday muwaadiniin u dhashay Dalka Turkiga.
Waxaa uu Cabdi Qaasim Salaad ugu baaqay in shacabka soomaaliyeed in ay is cafiyaan oo ay isi saamaxaan maaddama ay jiraan dhibaatooyin ay kala tabanayaan dadka soomaaliyeed, waxaana uu si gaar ah kula dardaarmay in ay u midoobaan sidii ay kula dagaalami lahaayeen cadowga maalin waliba xasuuqaya.
Hadalka Cabdi Qaasim ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Qarax xooggan uu ka dhacay Ex-control Afgooye waxaana ku nafwaayay shacab aan wax galabsan iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

