Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo caawa hooygiisa casho sharaf ugu sameeyey Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hogaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Dalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Madasha.
Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah-faahiyay waxyaabaha diirada ay ku saareen kulanka labada dhinac.
“Wafdi ka socda Madasha xisbiyada qaran ayaa ku booqday Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Mursal Sh. Cabduraxmaan guriga uu deggan yahay Guddoomiye Mursal ayaa casho sharaf u sameeyay madaxda Madasha oo uu hoggaaminaayay gudoomiyaha Mudane Shariif Sh. Axmad. So dhaweyn iyo casho sharaf ka dib ayaa la wada hadlay iyadoo si qoto dheer la isaga warbixiyay xaaladda dalka uu ku jiro iyo sida loo wajahayo ee ugu habboon ka guul gaariddeeda. Waxaa la isla qaatay in la wada shaqeeyo si dowladnimada Soomaaliya loo ilaaliyo loona sii qurxiyo ugu dambeyntii guddoomiya golaha Shacabka iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran waxay isla garteen in danta Soomaaliya ay ku jiro “Gacma wadajir bey wax ku gooyaan.”Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.





