Iska Hor imaadka Ka Dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb, Guddi Loo Saaray

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamadda Ahlusuna Waljameeca iyo Ciidamadda Nabadd Sugidda dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Inji oo ay degan yihiin madaxda Ahlu Sunna.

Saraakiil ka Tirsan Ahlusuna ayaa laga soo xigtay in Ciidamada dowladda ay soo weerareen xarunta Inji, balse Ciidanka Ahlu Sunna ay iska caabiyeen.

Ilaa haatan lama oga khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay Magaaladda Dhuusa-mareeb oo xalay uu gaaray Raisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

Dhanka kale Raisulwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya oo xalay kulan ku yeeshay Dhuusa-mareeb ayaa kawada hadlay arinta iska hor imaadka waxaana loo saaray guddi baaritaan ku sameeya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here