Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee Magaaladda muqdisho ayaa reebay dhacdooyin murugo leh.
Qaali Ibraahim oo 18- jir ah ayaa qaraxa ku weysay seygeeda ay isqabeyn muddo 4-bilood oo kaliyah.
Qaali oo uur 3-bilood ah leh, ayaa sheegtay in seygeeda oo lagu magacaabi jirey Mukhtaar Abuukar, uu daqiiqado ka hor ka baxay guriga,islamarkaana Taleefankiisa Lama heli karo uu noqday.
Waxa ay sheegtay in murugo badan ay dareentay,madaama seygeeda oo daqiiqado ka hor kasoo tagay ay Taleefankiisa lama heli karo noqday.
“Taleefanka aad wacday lama heli karo, ayaa laygu jawaabay markaan wacay telkiisa qaraxa kadib, saacado murugo ah ka hor inta aan xaqiiqsan geeridiisa aniga iyo walaashiisa ayaa bilownay inaan Isbitaaladaa ka baadi-goobno waxaana markii dambe aan aqoonsanay qeybo ka mid ah jirkiisa oo gubtay,gaar ahaan nabar gacanta kaga yaalay,waxaan dareemayaa Murugo”, ayay tiri Qaali Ibraahim.

