Al-shabaab iyo Macawiisley oo Ku Dagaalamay Deegaanka Ceel-cali

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dagaal u dhaxeeyay Kooxda Macawiisley iyo Ciidamadda Al-shabaab oo ka dhacay Degmadda Ceel-cali ee Gobolka Hiiraan.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka Ciidamadda Macawiisley ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday ciidamadda Al-shabaab oo ku sugnaa Saldhigga Ceel-cali,waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Gudoomiyaha Deegaanka Ceel-cali Axmed Siidow oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Shabaab dagaalka looga dilay dhowr dagaalyahan,islamarkaana khasaaraha soo gaaray macawiisley uu kooban yahay.

Mudooyinkii dambe waxa Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka dhacayay dagaalo u dhaxeeyay Kooxda Macawiisley iyo Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here