Gurmad Ka Yimid Dalka Turky-ga oo Soo gaaray Magaaladda Muqdisho+Sawirro

0

Dowladda Turkiga ayaa Diyaarad Sida Dhaqaatiir iyo Daawooyin usoo dirtay Magaaladda Muqdisho, oo shalay uu ka dhacay Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac geystay.

Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah,iyagoona guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda walaalaha aanu nahay ee Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan Alshabaab.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here