Kooxo hubeysnaa ayaa goordhaweyd labo askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dilen Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Suuqa Bacaad Degmadda Yaaqshid ee Gobolka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in dhalinyaro bastooladdo ku hubeysnaa ay fuliyeen dilka labadda askari,islamarkaana ay ka baxsadeen goobta uu dilka ka dhacay.
Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilalka saacadihii aynu soo dhaafnay ka dhacayay Magaaladda muqdisho.

