Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Darawal Mooto Bajaaj oo xalay lagu dilay magaaladda muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Holwadaag ee magaaladda muqdisho.
Darawalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Ala ha u Naxariistee Yuusuf Axmed Cosoble,wuxuuna kamid ahaa dhalinyaradda ka shaqeysata kaxeynta Mooto Bajaajka, ee dhawaan isaga soo laabtay dalka Koonfur Afrika.
Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in dilka uu geystay askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,kadib markii ay murmeen isaga iyo Mooto bajaajlaha,islamarkaana uu goobta isaga baxsaday.
Ciidamadda Dowladda ayaa Magaalada Muqdisho ka geystay dilal loo geystay Darawaladda ka xeeya Mooto Bajaajka.

