Wararkii ugu Danbeeyay ee Bannaanbaxa Jig-jiga

0

Cabdicaadil Xasan Cabdi oo ah hoggaamiyaha hoggaanka Nabadgelyda Dowlad deegaanka Soomaalida  Ethopia ayaa  ka hadlay banaanbax ka dhacay jig-jiga, waxaa uu sheegay in banaanbaxaasi uu dhacay si nabad galyo ahn, waxaana uuu sheegay in ciidanka ammanku ay u adeegsadeen dadka shacabka ah qiiqa dadka ka ilmeysiiya.

Waxaa uu sheegay in dadkii dhigayay banaanbaxa ay isku dayeen in ay wax yeelleeyaan laba kaniisad oo magaalada kutaalla, balse ay ka hortageen ciidanka oo si xooggan isugu dayay joojinta banaanbaxa.

Hogaanka Sare ee Xafiiska Nabad gelayada Dowlad deegaanka ayaa intaas ku daray in Hal qof uu ku dhintay  banaanbaxasi halka laba kalana ay ku dhawaac meen.

Banaanbaxaan ayaa waxaa dhigayay dadka deegaan, waxaana ay Bulshadu ku muujinayeen  sida ay uga xun yihiin Masaajidyada lagu gubey deegaannada Amxaarada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here