Banaanbax Xooggan oo Jig-jiga Ka Dhacay

0

Banaanbax xooggan ayaa maanta ka billowday magaalada jig-jiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Ethopian, banaanbaxaan ayaa waxaa dhigaya dad shacab ah oo ka caraysan  masaajidyo Saddex ah oo lagu gubay kililka Axmaarada,waxaana banaanbaxa ay ka dhigeen inta badan Xaafadaha Magaalada Jigjiga.

Banaanbaxa oo si weyn looga dareemay magaalada jig-jiga ayaa waxaa ay dadka digayay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah Amxaarada iyo sida ay uga xun yihiin Masaajidyada la gubey, iyaga oo sidoo kale wata Boorar ay ku qoran yihiin (MUSLIMIINTA MEEL KASTA OO AY JOOGAAN WAA JIR QURA)

Ciidamada Liyuu Police-ka ayaa la arkayaa iyaga oo isku dayaya in ay xakameeyaan shacabka banaanbaxa dhigaya, waxaana qaar ka mdi ah banaanbaxayaashu ay billaabeen gubidda taayeerada iyo wax yaabo kal oo ay ku muujinayaan caradooda

Maalin ka hor waxaa mid lamid ah banaanbaxaan uu ka dhacay kilinka HARAR ee dalka Itoobiya, iyada oo weli ay jiraan cabsi laga qabo in banaanbaxyo kale oo rabshado wata ay sameeyaan Muslimiinta ku nool dalka Itoobiya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here