Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buulo-barde oo La Furey Mudo 25-sano Kadib

0

Ilaa 5 Wasiir oo Katirsan Wasiirada Xukuumada Federaalka Somaliya Ayaa Maanta ka Qeybgalay Munaasabad Lagu Daahfurayay Garoonka Magaalada buulo-barde oo Maanta ka dhacday Gudaha Garoonkaasi.

Wasiirka Amniga XukuumadaSomalia , Wasiirka Duulista hawada Sare Ee Xukuumada Somalia Wasiiraka Howlaha Guud Wasiir ku Xigeenka Gaashaaandhiga Somalia Ayaa ka qeybgalay munaasabadaasi.

Duqa Degmada  Buulo Burde Cismaan Geedi Cilmi   oo lahadlay Idaacada Simba Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Faah Faahin ka bixiyay Munaasabadaasi Xarig jarka Garoonka Magaalada Buulo-barde Ee Caasimada 2-aad ee Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Duqa Degmada Buulo Burde Ee Gobolka Hiiraan Ayaa Beeniyay in Xaalad Amni Daro ay ka  jirto Garoonka Magaalada Buulo-Barde Waxaana uu Sheegay in Xaalada Guud Ee Amniga Garoonka uu  Yahay Mid Sugan oo Ay Xaqiijinayaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Magaalada Buulo-Barde Ayaa waxa ay Tahay Caasimada Maamulka loo Sameeynayo Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan Waxaana hadda Degmadaasi ka socdo Howlo Dib u Dhis ah Waxaana Ay noqoneeysaa 25-sano kadib Markii Dib u Dayactir lagu Sameeyo Garooonka Magaalada Buulo-Barde Ee Gobolka Hiiraan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here