Dowladda dalka qadar oo dowladda federaalka Somalia ugu deeqday qalab iyo agabyo loogu talagalay hay,adda duulista hawada Somalia

0

Dowlada dalka qadar ayaa dowladda federaalka Somalia ugu deeqday qalab iyo agabyo loogu talagalay hay,adda duulista hawada Somalia waxaana qalabkan loogu deeqay dowlada federaalka Somalia gaar ahaan wasaarada duulista iyo hawada Somalia,safiirka dowlada dalka qadar u fadhiya dalka  Somalia Ambassador Xasan Bin Xamza Haashm ayaa gudoonsiiyay qalabkan loogu talagalay in lagu hormariyo shaqada hay,adda duulista hawada Somalia.

agaasimaha guud ee hay,adda duulista hawada Somalia  Axmed Macalin Xasan xaflada lagu gudoonsinayay qalabkan loogu talagalay hay,adda duulista hawada Somalia waxaa kasoo qeybgalay wasiirka wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Somalia mudane Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar,xillibaano iyo masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Somalia sidoo kale waxaa munaasabada kasoo qeybgalay xubno matalayay xafiiska qaramada midoobay ee taageera Somalia ee magacooda loo soo gaabiyo UNSOS,saraakiil kasocotay howlagalka nabad ilaalinta Somalia ee AMISOM,xubno kasocday hay,adda caalamiga ah ee duulista rayidka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICAO iyo sidoo kale shirkada maamusha garoonka diyaaradaha Aden Cadde International Airport ee laga leeyahay dalka Turkiga ee magaceeda loo soo gaabiyo FAVORI.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumada federaalka Somalia ayaa mahadcelin ballaaran ujeediyay dowlada dalka qadar si walaaltinimada leh ee dowlada dalka qadar ay taageerada dhinacyada dhaqaalaha,mashaariicda hormarineed iyo sido kale taageerada diblomaasiyadeed ee dowlada qadar ay lagarab taagantahay dowlada Somalia.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here