Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in La Dilay 15-Sarkaal oo Shabaab ahaa

0

Howlgal Qorsheysan oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen deegaanada Baarsanguuni iyo Kaban oo hoostaga dagmada Jamaame ee gobalka Jubada Hoose ayaa Ciidamadu ku dileen 15 katirsan  Al Shabaab oo ay ku jiraan horjoogeyaal Sarsare, iyo dhaawaca 8 kale oo Al Shabaab katirsan.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii taliska Guutada 11-aad Qeybta 43-aad ee Xoogga Dalka uu helay Xog ku saabsan guluf colaadeed oo ay halkaasi ku abaabulayeen Al Shabaab, Sahan ay direen ciidamada ayaana la kulmay koox katirsan Al-shabaab oo ujeedkoodu yahay in ay weeraraan Saldhigyada Ciidamada Xoogga ee magaalada Jamaame.

Gaashaanle Sare Maxamed Badal Xasan oo ah Taliyaha Guutada 11 Qeybta 43 ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgalka hoggaamiyay ayaa sheegay In ay ka hortageen qorshihii Al Shabaab ay soo maleegayeen, islamarkaana ay ku raadjoogaan firxadkooda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan iyo taageero dhab ah ka helaya shacabka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii u dambeeyay xoojiyay howlgalada kadhanka ah Al Shabaab, iyagoo kala wareegay gacan ku heynta deegaano badan oo ay hore Al Shabaab u maamulayeen.

DHAMAAD

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here