Musuq-maasuq Hareeyay Xulista Xildhibaanadda Galmudug+Dhageyso

0

Dowladda Federalka Soomaaliya iyo odayaasha soo xulaya Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa lagu eedeeyay Musuq-maasuq.

Muuse Inji oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka  Degmadda Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud oo la hadlay idaacadda Simba ee magaladda muqdisho ayaa sheegay in walaac badan haatan laga muujinaayo qaabka loosoo xulayo Xildhibaanadda cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in musuq-maasuq hareeyay xulista Xildhibaanadda Cusub ay haatan walaac ma muujinayaan Shacabka reer Galmudug,wuxuuna ku baaqay in arintaan laga hortago sida ugu dhaqsiyadaha badan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in suura-gal ay tahay in lasoo saaro Xildhibaano aan tayo wanaagsneen,hadii sida haatan waxa ku socdaan lagu sii wado.

Hadalka Muuse Inji oo ah Gudoomiye Ku-xigeenka Degmadda Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduug ayaa imaanaya xili ay soo baxayaan warar ku aadan in la musuq-maasuqayo xulista Xildhibaanadda Baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Inkastoo ay dhawaan heshiiyeen Dowladda Dhexe iyo Ahlusuna hadana waxaa wali jira arinta ku aadna musuq-maasuq ay wadaan Ergooyinka iyo xubnaha dowladda u xilsaartay dhismaha Galmudug.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here