James Swan oo Maanta Kismaayo Gaaray Lana Kulmay Axmed Madoobe.

0

Wafdi uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midebay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

James Swan ayaa waxaa safarkiisa ku waheliyay xubno ka socda beesha caalamka  oo uu qayb ka yahay safiirka midowga Yurub u fadhiya Soomaliya, iyo xubno kale oo heer caalami ah.

Wafdiga ayaa la kulmay  madaxweynaha Jubaland Axmed Mxamed Islaam ( Axmed Midoobe) waxaana ay kala hadlayaan arrimo badan oo la xariira khilaafka kala dhexeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Axmed Madoobe, waxaana ugu waaweyn wax yaabaha ay ka wada hadlayaan doorashada dhicidoonta 2020-2021-ka.

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana Magaalada Kismaayo ay Maanta ka duwan tahay maalmihii la soodhaafey,waxaana siweyn looga dareemay wafdiga gaarey halkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here