Generaal Parfeez musharaf hogaamiyihii hore ee millitariga wadanka baakistaan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah waxaana kuxukuntay maxkamad gaar ah oo kutaalla magaalada islaamabad ee caasimada wadanka baakitsaan.
madaxweynihii hore ee wadanka baakistaan Parfeez Musharaf ayaa lagu xukumay dil toogasho ah kadib markii saddex xubnood oo katirsan maxkmada heysay kiiska dacwada hogaamiyihi hore ee militariga wadanka baakistaan ay iskuraaceen in Parfeez Musharaf uu galay dambiyo kadhan ah wadanka baakistaan islamarkaana waxa kiiska dacwada madaxweynihii hore ee dalka baakistaan uu soo socday tan iyo sanaddii 2013 xilligaa oo lagu heeystay in uu galay qiyaano qaran oo kadhan ah dowlada dalka baakistaan.
dambiyada lagu soo oogay in uu geestay waxaa kamid ah in uu laalay dastuurka wadanka baakistaan sanaddii 2007 markaa uu dalka galiyay xaalad deg deg ah sida ay sheegtay maxkamada xukunka kuriday madaxweynihii hore ee xukuumada millitariga wadanka baakistaan, Generaal Parfeez musharaf ayaa inqilaab kula wareegay talada dalka baakistaan sanaddii 1999 waxaana uu madaxweyne ahaan katalinayay wadanka baakistaan laga soo billabo sanaddii 2001 ilaa sanaddii 2008,muddo kudhaw 10 sano ayuu xukumayay wadanka baakitsaan waxa uuna is casilay sanaddii 2008.

