Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo saakay ka dhacay Degmadda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Al-shabaab ayaa weerar kadis ahaa ku qaaday barkontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Maamulka Hir-shabeelle.
Dagaalka labadda dhinac oo daqiiqado kooban socday ayaa la isku adeegsaday hubka fudud waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Sida Shabaab ay sheegeen waxaa dagaalka lagu dilay 3-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Maamulka Hir-shabeelle.

