Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Taliska mareykanka Africom ee Somalia ayaa war kasoo saaray duqeymo iyo howgallo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka somaliyeed oo kaashanaya ciidamada mareykanka duqeymahaasi oo kadhacay qeybo kamid ah gobalka jubbada dhexe.

Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka dajuuma oo qiyaastii 6 kiilo mitir masaafo dhan ujirta  magaalada Bu,aale ee magaala madaxda gobalka jubbada dhexe taliska Africom waxa ay sheegeen in duqeyntaasi ay kudileen hal xubin oo kamid ah alshaab islamarkaana waxa ay intaasi kudareen in wax qasaare ah uusan soo gaarin dadka rayidka ah sida ay ku sheegeen war saxaafadeed kasoo baxay taliska mareykanka Africom ee Somalia.

Gen. Bradford J. Gering oo ah kuxigeenka madaxa howlgalinta taliska Africom ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ka dhanka ah alshabaab ay kordhiyeen ciidamada amaanka dowlada federaalka Somalia iyaga oo kaashanaya ciidamada mareykanka ee ku sugan Somalia waxa uuna intaasi kudaray in ciidamada amaanka Somalia ay horumarro la taaban karo kasameeyeen howlgallada kadhanka ah alshabaab.

Dhinaca kale korneel Chris Karns oo ah madaxa xiriirka dadweyanaha bulshada taliska Africom ayaa sheegay in taliska Africom ee Somalia ay fuliyeen kudhawaad 60 duqeymo dhinaca cirka ah oo ay kubartilmaameedsadeed dagaalyahannada daacishta Somalia iyo alshabaab waxa uu intaasi kudaray in 8 kamid ah duqeymahaasi lala beegsaday dagaalyahannada daacishta Somalia halka 52 duqeynood ay labeegsadeed saldhigyada Alshabaab ay kuleeyihiin qeybo badan oo kamid ah dalka Somalia.

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here