Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Ka Hadlay Weerarka Hoteelka SYL

0

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay weerarkii caawa Shabaab ku qaadeen Hoteelka SYL ee magaaladda muqdisho.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakia Huseen oo qoraal soo dhigtay Barteeda bulshada ayaa sidaan Tiri..

“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka.

“Ilaa iyo hadda waxay Ciidamada Ammaanka soo badbaadiyeen 82 qof ay isku jira shacab iyo masuuliyiin. Waxaan ka digeynaa in xiriir telefoon lala sameeyo dadka shacabka ah ee lagu tuhunsanyahay in ay gudaha ku jiraan inta hawl galka laga soo afjarayo,warbahinta iyo muwadininta sharafta leh waxaa fareynaa inay ka fogaadaan goobta arrimo amni awgeed”, ayay tiri Taliye Zakia.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday  Hoteelka SYL ee Magaaladda Muqdisho.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here