Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay duqeyn diyaaradaha Dron-ka ay ka fuliyeen Gobolka Jubadda Dhexe ee koonfurta dalka Soomaaliyeed,halkaas oo saldhig ay ku leeyihiin Al-shabaab.
Sarkaal ka tirsan Taliska Mareykanka ee Qaaradda afrika (Afrikom), oo la hadlay Wakaaladda wararka AP ayaa sheegay in weerarka lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan Shabaab.
Waxa uu sheegay in weerarka lagu dilay Sarkaalka gaariga la socday mid kalana lagu dhaawacay,balse ma uusan sheegin magaca Sarkaalka Shabaab-ka ahaa.
Dowlada Mareykanka ayaa horey u sheegtay in duqeymaha lala beegsado Shabaab lagu taageerayo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

