Puntland ayaa baaq Nabadeed ka soo saartay, Colaadda u dhexaysa labada beelood ee ka soo cusboonaatay nawaaxiga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug.
Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay, in ay walaac xooggan ka muujinayso colaaddaasi ka soo cusboonaatay aagga degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, waxaana ay ku baaqday in si dakhso leh oo bilaa shuruud ah loo joojiyo dagaalka.


