Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dil Goordhaweyd ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Muqdisho.
Dilkaan ayaa ka dhacay Qeybta Daawadda ee Suuqa Bakaaraha,waxaana halkaas lagu khaarijiyay nin odey ahaa.
Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in Dilka ay geysteen Ragg hubeysnaa,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa Dalaaley suuqa si weyn looga yaqaanay.

