Amar kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu kala diray Ciidankii gacanta ku hayay Amniga qeybo kamid ah Gobolka Mudug dhanka Dowladd Goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dayacday Ciidamadii Gobolka mudug joogay ee dib usoo celiyay Nabadiii Magaladda ka jirtay mudooyinkii dambe.
Waxa uu sheegay in amar kasoo baxay Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya lagu kala direy,taasina ay sababtay in dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeday Galmudug iyo Puntaland uu ka dhaco Deegaanka Af-barwaaqo ee gobolka Mudug.

