Madaxda Villa Somalia oo Lagu Eedeeyay in ay Burburiyeen Mamaulkii Galmdug.

0

Madaxda Villa Somalia ayaa lagu dhaliilay sida ay u wadaan howsha maamulka galmudug waxaana lagu lagu  Eedeeyay  In Ay burburiyeen  mamaulkii hore ee galmdug.

Xasan Shiiq oo ka mida ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee Villa Somalia in ay burburin xooggan ku sameeyeen maamulkii hore ee Galmudug.

Siyaaasiga ayaa sheegay in madaxdu ay doonayaan maamul maqaar saar ah oo aan ka imaan dadka reer galmudug.

“Waxaa ay wataan shaqsiyaad gaar ah, ma doonayaan maamul ka yimid dadka reer galmudug, waa arrin iska cad taasi, horayna waxaa ay u burburiyeen maamulkii hore ee Galmudug, ayadoo ay xusid mudan tahay in uu ahaa maamul curdun ah oo u baahnaa in waqti lasiiyo, waxaa uu ahaa maamul dhisidiisa waqti  badan la galiyay, balse wax waliba waxaa masuul ka ah oo maamul kaas burburiyay waa madaxda sare ee Villa Somalia” sidaas waxaa yiri Xasan shiiq oo ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu burburay maamulkii hore ee Galmudug waxaa isi sootaraayay dhaliilaha loosoo jeedinaayo Madaxda sare ee Dowladda, iyadoo si gooni loogu eedeEyo  In ay burburiyeen  maamulkii hore ee galmdug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here