Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo u magacaabay Guddoomiyaal Cusub Dagmooyinka Waaberi iyo Shangaani.
Wareegto kasoo baxday Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa lagu magacaabay guddoomiyaal cusub oo loomagacaabay degmooyinka Waaberi iyo Shangaani.
Aweys Camuudi ayaa loo magacaabay Degmada Shangaani, waxaana uu bedalayaa gudoomiyihii ka horreeyay Alle ha naxariistee Marxuumad Sahra Markeyzi oo ka mid ahayd Mas’uuliyiintii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay 24-kii July-2019 Xarunta maamulka Gobelka Banaadir.
Sidoo kale Cabdicasiis Cisman Jamac ayaa loo magacaabay Degmada Waaberi , waxaana horay degmadaas guddoomiye uga ahaa mahad Cilmi oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ku geeriyooday Qaraxii ka dhacay 24-kii July-2019 Xarunta maamulka Gobelka Banaadir

