Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaaladda Muqdisho ku dilay Generaal ka tirsanaa Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Dilkaan ayaa ka dhacay caawa Xaafadda Warshada caanaha Degmadda Hodan ee Gobolka banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal sarkaal ka tirsanaa Malatariga ayaa dilay generaalka xili uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Warshada caanaha ee Muqdisho.
Generaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey General Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey.
Dilkaan ayaa loo sababeeyay arrimo dhuleed oo u dhaxeeyay sarkaalka dilka geystay iyo Generaalka la dilay.

