Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed Maalin oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Himilo Qaran, ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamadda Ethopia ay gaareen magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug.
Waxa uu sheegay in Ciidamo kawada socda Jabuuti iyo Ethopia ay ku sugnaayeen Magaaladda Dhuusa-mareeb,balse nasiibdaro ay tahay warka ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.
“Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug la wadaago inaaney waxba ka jirin wararka lagu sheegay in Dhuusamareeb la geeyay Ciidama Itoobiyaan ah oo aan AMISOM ka tirsaneyn
Waxaa jira ciidamada Djibouti iyo kuwa Ethopia oo Dhuusamareeb ku sugnaa muddo aan ka yareyn sadax bilood, hayeeshee ciidamadaasi waxay ka wada tirsanyihiin AMISOM. Waana ay dhacdaa in ciidamadu ay sameeyaan dhaqdhaqaaq xagga kalabadalka ciidanka ama logisticada ah”ayuu hadalkiisa ku daray.
“Waxaase nasiib darro ah in Madasha xisbiyada Qaran oo markii hore loo aasaasay in wax lagu saxo uu hadalkaan aan la hubsan ka soo baxo – Dhuusamareeb innaga ayaa ku sugan oo xog-ogaal u ah waxa ka jira,Mucaaradnimadu waa inaaney ka hor imaan danaha dadka aan matalno, waana in aan lahaanno aragti ka durugsan danaha gaarka ah ee siyaasiyiinta.

