Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in Deegaanka Muuri saakay lagu arkay Meydadka Laba Nin oo la Gowracay.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Meydadka Labada Nin wali la aqoonsanin saakay markii hurdda laga soo toosay,la arkay,islamarkaana dadka ay ka argagaxeen.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo diiday in warbaahinta codkiisa loo adeegsado ayaa sheegay inay saakay ku waa-bariisteen meydadka labadaasi nin, oo qoorta ka go’an.
Waxa uu sheegay inaanay garanayn ciddii ka dambeysay falkaasi, sidoo kalena uu muuqaalka raggaasi ku cusub yahay.
Dhanka kale Maamulka Deegaanka muuri aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan falkaan,mana jirto cid ilaa haatan sheegatay mas’uuliyadda falkaan.

