Agaasime Isku Qarxin Rabay Gudoomiye Cumar Filish oo La Qabtay

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda Muqdisho Cumar Filish oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka koonfur afrika ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ay xireen Mid kamid ah agaasimayaasha Dowladda Hoose oo doonayay in uu isqarxiyo.

Waxa uu sheegay in agaasimaha oo haatan ku jira Gacanta Hay’adaha amaanka  la ogaaday in uu xiriir dhow la’ lahaa Al-shabaab,islamarkana uu doonayay in  uu isku qarxiyo isaga sidii Gudoomiye C/raxmaan Yariisow oo kale.

“Sida aad la socotaan qaraxii gobolka waxaa fulisay agaasime ka shaqeeneysay gobolka, hase yeeshee waxaa markaan aniga xafiiska imid sidoo kale la qabtay agaasime kale oo qorshahaas camal damacsanaa.” Ayuu yiri Cumar Filish.

Gudoomiye Cumar Filish ma uusan sheegin Magaca agaasimaha doonayay in uu isku qarxiyo.

24-kii Bishii July ayay aheyd markii xarunta Dowladda hoose ay isku qaxisay Basiira Cabdi Maxamed oo aheyd Agaasimihii Naafadda maamulka Gobolka Banaadir,waxaana qaraxaas ku dhintay Gudoomiye Yariisow.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here