Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo cilaaqaadkii labada dowladood.
Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ka mid ah
– Duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi in dib loo billaabo si deg deg ah, meeshana laga saaro garoonka Wajeer.
2-in la sii 1ambaqaado iskaashi labada dowladood
- In muwaadiniinta wata baasaboorrada Rasmiga ah (Service iyo Diplomat) visaha Kenya ay ka qaataan Garoomada Kenya (On arrival)
- In kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saammayn xiriirka labada dal sida uu sheegay madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in wada hadalladaan aysan saameyn ku yeelan doonin kiiska horyaalla maxkamadda ICJ ee dacwadda hadda.

