Madaxweynayaashii Hore oo Muran Kadib Ka Dhoofay Garoonka Aadan Cadde

0

Madaxweynayaashii Hore ee Dowladda Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif ayaa saacado kooban lagu xayiray Garoonka Diyaaradaha magaaladda muqdisho.

Amar kasoo baxay Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in Madaxweynayaashii hore Lagu Xayiray.

Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo aan ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynayaashii hore oo ku sugan garoonka loo diidan yahay safarkooda Beledweyne, isla markaana ay tahay arrin la siyaasadeynayo.

Daqiiqo kadib waxaa lagu guuleystay in wafdiga Madaxweynayaashii Hore ee Dowladda Soomaaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif  in ay u dhoofaan Magaaladda Beledweyne.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta loo xayiray wafdiga ay aheyd Raisulwasaaraha Soomaaliya oo isna ku wajahnaa Magaalada Beledweyne,balse ka baaqday.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here