Sarkaal Ka Tirsanaa Ahlusuna oo Isku Dhiibay Dowladda Soomaaliya

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Maamulka Ahlusuna Waljameeca uu isku dhiibay Ciidamadda Dowladda Soomaliya ee ku sugan Degmadaas.

Sarkaalkaan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Daahir Rooble Cadde ayaa la sheegay in uu carooday dhaqamadda Saraakiisha Dowladda Soomaaliya,islamarkaana uu ahaa Sarkaalkii gacanta ku hayay hubka Ahlusuna Waljameeca iyo degmooyinkii Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Taliye C/laahi oo hogaamiyo tiro ciidamo ah ayaa la sheegay in uu dhawaan isaga baxay Degmadda Guriceel,balse waanwaan muddo socotay lagu guuleystay in la xaliyo tabashadiisa,islamarkaana uu mar kale isku dhiibay Maamulka Dowladda Soomaaliya.

Ciidamadda Ahlusuna Waljameeca ayaa dhawaan isaga baxay degmooyinkii Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan, waxaana halkaas la wareegay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here